GABAY: DHAMBAAL ABWAAN Fri. July 29, 2005 09:35 pm.- By Hassan Ali Mohamed (Dhaaleey). - Qof u dir warkan Abwaanka Cabdulle Cilmi Yarrow oo ku sugan magaalada muqdisho ayaa qoraal dheer soo gaarsiiyay xafiiska Somalinet ee Muqdisho, waxaa uu ku soo bandhigay suugaan uu u ugu magacdaray Dhambaal, taasi uu ku doonayo in suugaanleyda soomaaliyeed ee caalamka ku farirsani ay iyaguna aragtidooda ku cabiri karaan. Waxaa uu abwaanku mar hore ku bilaabayaa arar dheer, taasi oo uu sida muuqata sharaxaad uga bixinayo muuqaalka guud ee gabaygiisa ku socda abwaanada soomaaliyeed, waxaana uu hordhiciisa ku bilaabayaa sidan:- Waxaa wadankeenna ka dhacay masiibooyin jahawareer ku riday dadka, taasina waxay sababtay in maalinba maalinta ka dambaysa aad arki karto in laba markii hore heshiis ahaa sax iyo qalad kii ay ahaataba ay iska hor imaanayaan oo iyagu iska sii necbaanayaan kuwii ay wada jirka markii hore uga soo horjeedeen. Dhibaatadaas ma jiraan qaybaha bulshada wax ka nabad galay Abwaaniinta qaarkood badan mooyee, in kastoo iyaga laftooda laga heli karo qaar mar mar simbiriirixday oo suugaantooda laga dhadhansan karo dhan u leexasho. Hadaba maansadaan waxaan ugu talo galay inay sidii lagu yiqiin bahda Fanka Soomaaliyeed inay bal iyagu wada hadlaan, kulmiyaana dadaalkooda Nabad raadineed, waxaanna hubaa haddii taasi dhacdo inay noqon karaan dhaqaatiirtii iyagoo Eebbe kaashanaya sabab u noqon lahaa badbaadinta shacabkaan bukaanka ah. Bismillaahi baan dhihi Mahad baan u daba dhigi Amuuraha dhammaantood Dhab allaa u maamula Dhabbe kii la raacee Badbaadadu dhexdii tahay Waa dhawrsane rasuulkii (scw) Kuu addeec dhammaystee War hoy yaan la dhinac marin Intaa waanadii dhigay Arartana waxaan dhihi Dhagaysataha abwaanow Haddii aad dhambaalkani Dhexdiisii ka maqashaan Xogaa erayo kala dheer Amaba aad dhadhamisaan Miisaanka kala dhimman Amababa is dhaafsanoo Ku wacnayd si kale dhihid Dhaliishaasi sababtii Waa dhawaan galkaygii Dhismaheeda maansee Abwaanow dhaleeciyo Yaan la iiga dhigin ceeb Markaan dhabanka taabtaba Xasuustaa waxay dhihi Dhurwaaguba godkiisii Dheelmashada habeen iyo Dharaar weerar caadadii Jaararkiisa dhinacyada
kulaabohalkaan

Emailka, shooble@maracade.com