
Waa maxay waxaa ay ithopia aniga rabto, Aqri qoraalkan si aad wax uga ogaato
Laga soo bilaabo dhammaadkii Qarnigii 13aad illaa qarnigan 21aad ee aynu ku jirno dadka ku dhaqan Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliweynta degta inta u dhaxaysa Gacanka Cadan ama Jibbuuti iyo Wabiga Tana ee Kenya, iyo dadka assal ahaan deegaankoodu yahay dhulka sare ee Ethiopia, Amharada iyo Tikrega, waxaa soo maray khilaafaad marba heer taagnaa, duruufaha isbadbadalayey ee caalamkuna ay gacan xooggan kulahaayeen hadba dhinaca ay u janjeersato ama u liicdo awodda ciidan, dhaqaale iyo siyaasadeedba.
Dadka Soomaaliweyn oo aan tirokoob sax ah lagu hayn inta ay tiradoodu dhantahay, duruufaha jira awgood, waxay intooda badani ay deggenyihiin Jamhuuriyadda Soomaaliya dhulka looyaqaan, inta kalena waxay ku noolyihiin Djibouti, NFD iyo dhulka Soomali Galbeed ama Ogaden sida caalamkuba u yaqaan.
Dadkaas Soomaaliyeed ee aan kor kusoo xusnay waxay kaga duwanyihiin dadyowga kale ee Bariga Africa kula nool islamarahaantaasna mideeya ku hadalkooda afka Soomaaliga, dhaqashada xoolaha nool oo uu geelu halbowle u yahay, iyo wadaaga dhaqan iyo diin kaliya oo midaysa, Islaamka.
Sidaan sheegnay Soomaaliweyntan ma jirto cid luuqad ahaan ukala tarjunta, waxayna leeyihiin muuqaal u gaar ah oo Soomaalinimad- ooda laga dheehan karo.
Dadkaan Soomaaliyeed waxay kasoo badbaadeen jillaafooyin farabadan laga soo bilaabo qa
rnigii 10aad, gaar ahaan wixii ka danbeeyey qarnigii 13aad oo muran xooggan oo kusalaysan xagga dhulka iyo caqiidada uu kala dhexeeyey Boqortooyadii ka dhisnayd dhulka sare ee Ethiopia mudada dheer oo u arkaysay marwalba in dadka Soomaalidu ay yihiin khatarta ugu weyn ee kusoo fool-leh jiritaankooda iyo danahooda geeska Afrika.
Wixii ka danbeeyey bilowgii saldanaddii Adal ee ka abuurantay agagaarka Harar kadib burburkii kuyimid Saldanaddii Muslimiintu ay ku lahaayeen waqooyiga Ethiopia, Qarnigii 13aad, ee lagu magacaabijiray IFAT, waxaa qabaa'ilka Soomaaliyeed u bilowday waa cusub iyo halgan adag oo ku dhisan taariikh socota kudhawaad 7 qarni oo ay kula jiraan labadaas qowmiyadood ee aan horay u sheegnay in ay degaan dhulka sare ee Ethiopia (Amxaarada iyo Tigreega) oo iyagu marwalba awoodooda dhaqaale, siyaasad, iyo ciidanba uu ku xirnaa quwado shisheeye, gaar ahaan kuwii ka jirey Yurub.
Laga soo bilaabo boqortooyadii Abasiinya ee qarnigii 13aad illaa laga soo gaaro tii u danbaysay ee Haile Selassie (1930-1974) iyo nidaamyadii soo maray xukunka Ethiopia ee uu kamidyahay kan maanta ka jira Adis-ababa ee Meles Zenawi, waxaa shacabka Soomaaliyeed ku socda qorshe adag oo khatar badan leh, una baahan in dadka Soomaaliyeed meelwaba oo uu joogo uu ka fikiro sidii uu uga badbaadi lahaa.
Waxaan shaki ku jirin in Soomaalinimadu aysan kusoo dhismin ficil siyaasadeed oo ay ku midaysnaayeen qabaa'ilkaas Soomaaliyeed. Waxaan sidoo kale shaki ku jirin in Qabaa'ilka Soomaaliyeed ay si tartiib-tartiib ah uga soo fideen xeebaha ku teedsan Khaliijka Cadan (waqooyi Bari, Galbeed, iyo Djibouti), ayna ku qaadatay muddo 10 qarni ku dhow in ay gaaraan wabiga Tana ee Kenya. Laakiin tani kuma dhisnayn dhulballarsi ay u danlahaayeen Qabaa'ilka Soomaaliyeed ee aan sheegnay in aanay lahayn fikir siyaasadeed oo ay ku midaysnaayeen oo salka kuhayey Boqortooyo, ama nidaam dawladeed oo ay wadaageen, sida kuwii Tigreega iyo Amxaarada ee ka dhisnaa dhulka sare ee Ethiopia; wuxuu ahaa mid inta badan ay ku baadigoobayeen daaqsin iyo biyo.
Cutubka 1aad
Boqortooyada Ethiopia
Si aan u fahanno assalka khilaafaadka Soomaliweyn iyo qowmiyadaha Tigre-Amhariga, waxaa haboon in aan taariikhda boqortooyada Ethiopia dib u raadqaadno ilaa aan ka gaarno boqortooyadii Aksum oo ahayd boqortooyadii ugu muhiimsanayd ee soo marta taariikhda Ethiopia. Waxaad qormooyinkeena soo socda ka dhadhansan-doontaa sida dhacdooyinkii soo maray boqortooyadan reer Aksum ay saamaynta (aan tooska ahayn) ugu yeesheen khilaafka Soomaalida iyo Tigree-Amhaarada inkastoo xilligaas aanay jirin wax khilaaf ah oo kusugan buugaagta taariikhda inta aan anigu ka akhriyey. Laakiin waxaan dareemay in ay lagama maarmaan tahay in wax laga ogaado taariikhda boqortooyada Aksum mar hadiiba laga hadlayo khilaafka Soomaalida iyo Ethiopia.
I. Reer Aksum
Aksum, waxay ahayd boqortooyadii ugu horaysay ee Ethiopia waxaana loogu magacdaray caasumaddii xilligaas gobolka Tigre ee Aksum. Waxaa laxusaa in boqortooyadani ay soo bilaabatay qarnigii Koowaad ee miilaadiga; qiyaastii qarnigii Afraadna waxaa la rumaysanyahay in ay qaadatay diinta Masiixiga ee Nabi Ciise (Naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato). Intaanan faah-faahinta boqortooyada Aksum aanan u gelin waxaan jeclaystay in aan isla xusuusanno, si kooban, sidoo kale assalka magacyada Ethiopia iyo Xabasha halka ay iyaguna taariikh ahaan kasoo jeedaan.
Ethiopia waa magac assalkiisu uu luuqadda Greek kasoo jeedo, micnihiisuna uu yahay "Dadkii wajiyada gubnaa" (Burned faces) oo reer Greek ugu yeeri jireen dadkii kunoola dhulka Suudaan iyo Ethiopia amaba dadka madoow ee qaaradda Afrika ee dhulkaas kunoolaa. Waxaa larumaysanyahay in magaca Ethiopia uu bilaamay Qarnigii Afraad ( Ethiopia, The unknown land, bogga.19)
Xabasha waxay iyana luuqad ahaan kasoojeeda dhulka carabta, laakiin guud ahaan magaca uu dhulka Ethiopia xilligaas uu caanka ku ahaa waxa uu ahaa Aksum oo loogu magacdaray boqortooyada reer Aksum.
Waxaa la rumaysanyahay in boqorkii ugu horeeyey ee reer Aksum ee qaata diinta
![]()
|
Masiixiga uu ahaa boqor Ezan sanadkii 340 miilaadiga; laakiin waxaad ku arkaysaa buugaagta kale ee taariikhda Ethiopia wax ka qoray in labadii boqor ee mataanaha ahaa ee reer Aksum, boqor Atsbeha iyo Abraha ay iyagu ahaayeen boqoradii ugu horeeyey ee reer Aksum ee qaata diinta masiixiga. Boqor Abraha, oo ay taariikdiisa si fiican uga hadleen buugaagta taariikhda ee Islaamka, Quraankuna uu kaga hadlay dhacdadii Maroodiga, wuxuu ahaa boqorkii reer Aksum ee weeraray Kacbada waxyar kahor dhalashadii nabi Muxamed (naxariis iyo nabdgelyo korkiisa ha ahato)
Labadaan boqor, Atsbeha iyo Abraha qiyaastii laba qarni ayay ka danbeeyeen boqor Esankii aynu soo sheegnay in uu ahaa buqorkii ugu horeeyey ee reer Aksum ah oo qaata diinta Masiixiga. Sida taariikhda ku sugan, Boqor Atsbeha, oo looyaqaanay boqor Kaleb, wuxuu ku duulay oo qabsaday qaybo kamid ah dhullka Yaman; gaar ahaan dhulkii ay maamulaysay boqortooyadii Yuhuudda ee ka dhisnayd Ximyar qarnigii Lixaad ee uu boqorka ka ahaa Boqor Yusuf Asar Yathar. Sabata keentay qabsashada boqor Atsbehe uu qabsaday boqortooyada Ximyar waxaa lagu tilmaamaa in ay timid kagadaal markii Boqortooyada Ximyar ay dad masiixiyiin ah ku laysay dhulkii ay maamulaysay. Boqorrada Reer Aksum dabcan masiixiyiin bay ahaayeen, taas ayaana sabab looga dhigi karaa duulaanka reer Aksaum ee koonfurta carabta inkastoo ay jiri karaan sababo kale.
Qarnigii 6aad, oo ay awoodda dhaqaale, siyaasad iyo ciidan ee Boqortooyada reer Aksum isa soo tartay, waxaa markan lasoo guboonaaday dhibaato weyn oo xitaa gilgilay dhulkii ay assal ahaan kasoo jeeday ee waqooyiga Ethiopia ee Aksum. Imbaratooriyaddii Furus ama Persia oo xilliyadaas ahayd mid kamid ah labadii quwadood ee jirey waxay markan go'aansatay in reer Aksum koonfurta Carabta laga saaro. Persianku waxay sanadkii 570 kusoo weerareen Boqortooyadii Aksum ee ka dhisnayd yaman 8 doonyood iyo 800 oo ciidan ah ( History of Ethiopia, Marcus, bogga.10).
Xilligaas ay sii yaraanaysay awoodda boqortooyada reer Aksum oo ku xirnayd Imratooriyaddii Ruum (Rome Empire) oo iyana ahayd quwadda kale ee loolanku ka dhexeeyey reer Furus ama Persia, waxaa garab socday in Islaamku ku fidayey dhulka Shaam. sanadkii 636 miilaadiga, Islaamku wuxuu gaaray Qudus illaa Dimishiq. Afar sano kadibna Masar waxay hoostagtay khilaafadii Islaamka ee ka dhisnayd Madiina.
Mar haddii Persianku riday boqortooyadii reer Aksum ee Yaman ka jirtay, Islaamkuna kala dhexgalay reer Aksum iyo Ruum taas oo keenatay in uu go'o xidhiidhkii iyo isu socodkii ka dhexeeyey Ruum(Rome Empire) iyo boqortooyadii Aksum ,jihada kaliya ee u furnayd boqortooyada Aksum waxay noqotay in ay u soo fiddo dhinaca koonfureed iyo dhulka Amxaarada.
Xilligaas ka hor xidhiidhka ka dhexeeyey Boqortooyadii Aksum iyo Islaamka wuxuu ahaa mid heerar kala duwan soo maray. Boqor Najaasha, boqorkii reer Aksum ee la kowsaday bilowgii Islaamka wuxuu Nabi Maxamed (NNK) uu ku tilmaamay in uu yahay boqor caaddil ah oo aan agtiisa cidna lagu dulmin. Waxaa magangalyo ka helay dhulka boqor Najaashe ilaa 40 saxaabi oo uu kamid ahaa Jacfar sida ay kutubta Siiradu qoraan oo kasoo cararay dhibkii kajiray Makka ee ay Qurayshtu ku haysay Muslimiinta.
Laakiin dhinaca kale markii xilli kaas ka danbeeyey uu xirmay marinkii reer Aksum ay u sii marijireen Imratooriyaddii Ruum, sidaan soo xusnay, waxay bilaabeen in ay samaystaan burcad badeed ay ugu talagaleen in ay ku carqaladeeyaan ganacsigii isaga dhexgooshi jirey Badda Cas oo markan ay maamulkeeda gacanta ku hayaan muslimiintu. Sanadkii 702 waxay Boqortooyada Aksum weerartay xeebta Jidda, waxaana xusan in ay mar qabsadeen dekedda Jidda oo aad ugu dhow Makka ( History of Ethiopia, A.H.M jones and E. Monroe. bogga.45). Falalkan ay sameeyeen burcad badeedda reer Aksum waxay sabab u noqotay in Muslimiintu ay yimaadaan xeebta badda Cas, dhinaca Africa ee ay maamulayeen boqortooyada Aksum. Waxay dhacdooyinkan intooda badani ku beegnaayeen xilligii khilaafada Umawiyiinta, gaar ahaan Waliid Ibn-Cabdulmalik Ibn-Marwaan ee bilowgii qarnigii 8aad jirtay. Waxay khilaafada Waliid soo afjartay burcad badeeddii reer Aksum
II- Boqortooyada Amxaarada
Inta aynaan ugudagelin sida ay ugu soo wareegtay nidaamka boqortooyada Qoomiyadda Amxaarada, oo muddo 7 qarni ah oo ay soo jirtay (laga soobilaabo qarnigii 13aad, ilaa laga soo gaaro boqor Haile Selassie, 1974) uu soo socday khilaafka Soomaliweyn iyo Ethiopia (Intiisa badan), waxaan gaarnay qormadeenii hore xilli boqortooyada Aksum ay sii liicday kadib markii ay saamayn kuyeesheen jiritaankeeda dhawr waxyaabood oo lafdhabar u noqday bur-burkii kuyimid dhismaheedii xoogga badnaa.
Kulaabo Halkaan
Qore Hassan Muktar
shooble@maracade.com